Home Wararka Maanta Xamse Cabdi Bare oo Gaaray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Xili Boqolaal Qof ku...

Xamse Cabdi Bare oo Gaaray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Xili Boqolaal Qof ku Go,doonsanyihiin

0

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaw tagay garoonka Aadan Cadde waxa uuna fasaxay dhamaan Duulimaadyadii Xayirnaa waxa uuna raali gelin ka bixiyay dhibaatadii maalmahaan taagneed.

Raysal Wasaaraha ayaa shacabka u sheegay in maanta la qaadi doono intii laga gaaro wixii soo harana ay dib u dhici doonaan ilaa berri insha Allaah.

Duulimaadyada Soomaaliya ee gudaha ayaa u xayirnaa shalay iyo maanta lacag ay kusoo rogtay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Shacabka iyo maamulka diyaaradaha gudaha dalka ayaa diiday bixinta lacag dhan $9 Dollar oo ay madaxtooyadu soo rogtay oo lagu sheegay in lasiiyo shirkad gaar ah oo amniga xogta dadka baxaya eegaysa, iyadoo Soomaaliya miisaaniyada ugu badan lagu bixiyo dhinaca laamaha Ammaanka ee dalka.

Garoonka Muqdisho, waa halka kaliya ee aan lagu tagi karin baabuur ku gaar ah,si kasta oo aad u haysato, iyadoo Qandaraaskan u xiran yahay shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay, taas oo iyana aan la aqoonin sida ay mashruucan ku heshay, lana bixiyey mudo xileedkii hore ee MW Xassan Sheekh.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Maxakamadda Gobolka Banaadir Oo Seyd Cali ku Xukuntay Xukun Dil Ah
Next articleEhelada Sayid Cali oo Gashaanka U daruuray Go,aankii Maxakamada Gobalka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here