Home Wararka Somaliya Somaliland Magaalo kale oo ka Tirsan Soomaaliland oo uu ka bilowday kacdoon looga...

Magaalo kale oo ka Tirsan Soomaaliland oo uu ka bilowday kacdoon looga soo horjeedo Soomaaliland

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay dibad-baxyo rabshada wata ay ka dhaceen gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi, kuwaas oo uga sii daraya xiisadaha ka jira Somaliland.

Dibad-baxayaasha oo ku qaylinayay erayo ka dhan ah Somaliland, gaar ahaa madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay taaageero u muujinayaan reer Laascaanood, waxayna tilmaameen inay kasoo horjeedaan qaabka ay Somaliland u wajahday xiisadda ka taagan magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dibad-baxayaasha ay isku dhaceen ciidamada Somaliland, taas oo keentay in rasaas loo adeegsado, xaaladduna faraha kasii baxdo.

Muuqaallo sidoo kale lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay in dibad-baxayaasho ay Calanka Soomaaliya iyo midka Khaatumo ay sureen waddooyin kamid ah Ceerigaabo.

Mid ka mid ah dadka dhigayay dibad-baxyada ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidanka Somaliland, wuxuuna sheegay in nabadda faraha ka baxday, sida uu hadalka u dhigay.

“Reer Sanaagow waxaan idin sheegeynaa nabad innoo xiran caawa ma jirto nin walbaa ciddii uu ahaa ayuu noqonayaa,” ayuu yiri mid kamid ah dibad-baxayaasha.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Haddaba Muusow waxaan ku sheegeynaa waxaa la dooneysay Ceerigaabo waa ka dhaceen”.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana bartamaha magaalada Ceerigaabo lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Si kastaba, horay rabshado kuwaan lamid ah waxay uga dhaceen Boorame oo todobaadkii hore laga taagay calanka Soomaaliya, waxaana kasii horreysay Laascaanood oo arrinteeda isku bedashay dagaal toos ah oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada SSC.

Ad
Previous articleWasiirkii Arimaha Bulshada ee deegaanka Soomalida oo sheegay in uu isku casilay caddaalad darro iyo maamul xumo darteed
Next articleIsraa’iil oo dishay hoggaamiye katirsan ururka Islamic Jihad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here