Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Ninkii Gubay luul Cabdicasiis oo Maantay Maxkamada Kasoo...

War Deg Deg ah: Ninkii Gubay luul Cabdicasiis oo Maantay Maxkamada Kasoo Muuqday

0

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in maaanta Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Luul Cabdicasiis Maxamed.

Warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan oo ay muddo ku raad-joogeen laamaha amniga, maanta ay bilaabatay dacwaddiisa.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamad horgeeyay eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan in uu xaaskiisii oo xaamilo ah nolosha ku gubay, kaas oo muddi baxsad ka ahaa hay’adaha amniga oo ku daba jiray” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale wuxuu xafiiska xeer ilaalinta ballan qaaday in la dadaji doono kiiskan, si ay cadaalad u hesho dhibane marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

“Xafiisku wuxuu bilaabi doonaan maxkamadaynta eedaysanaha, sida ugu degdegga badan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Shalay ayaa eedeysanaha waxaa soo wareejisay hay’adda NISA oo ninkan kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, si loo maxkamadeeyo.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalin kahor ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in weli ay tirsanayaan cadaalad darro, maadaama la daahiyay maxkamadeynta eedeysanaha, ayada oo weli maydka marxuumadda uu ku jiro Firinjeer.

“Iyada oo la ogyahay inuu baxsaday ninkaas oo lasoo qabtay hadda dambiilihii aan sugeynay in isla markii maxkamad lasoo saaro ma dhicin gabadheyda 11 maalmood ayay ku jirtaa Firinjeer, isagana waxaa la geeyay meel Mukeyf ah” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Cadaaladda aan fileynay sidaas ma ahayn, saas darteed soo qabashadiisa waxay kaliftay in Mukeyf la geliyo”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan aysan ka geli doonin wadahadal, ayna sidoo kale qaadan doonin Diyo, kaliyana ay ku qancayaan cadaaladda.

Ad
Previous articleMaraykanka oo 5 Saldhig oo Cusub ka Furamaaya soomaaliya iyo Xasan shiikh oo Ogalaaday
Next articleGuri ay ka Jirtay Tacsi oo uu ku Habsaday Hoobiye iyo Dad hor leh oo ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here