Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo ka hadashey Dhag-xaan lagu xiray Wadada Dabka

Dowlada Somaliya oo ka hadashey Dhag-xaan lagu xiray Wadada Dabka

0

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dhagxaanta Hay’adaha Amniga ku xireen Isgoyska dabka ee magaalada muqdisho uu keenay culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka ah.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalmow ayaa sheegay in dib u eegis deg deg ah lagu sameyn  doono tallaabadaas, sidoo kalena la xoojinayo amniga.

“ Go’aanka Isgoyska Dabka qeyb ahaan lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka. Inshallah dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa iyada oo had iyo jeer ahmiyadda la siinayo daryeelka shacabka ,lana sii xoojinayo adkeynta amniga ayuu yiri” Macalimow.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay fiidkii waxaa ay dhagxaan waaweyn ku jartay wadada Dabka ee Magaalada muqdisho, kadib markii shalay gaari si xowli ah kusoo maray halkaas uu ku qarxay barta-koontorool ee Isgoyska sayidka ee Muqdisho.

Wadooyinka jidcadayaasha ee ku yaal degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa horay dowladda Soomaaliya ay ugu jartay dhagxaan waaweyn, hayeeshee weli ay muqdisho ka dhacayaan qaraxyada.

W/Q Wariye Bashiir mohamed warsame

Ad
Previous articleGalmudug iyo Dowlada Somaliya oo heshiis dhex dhigay Beelaha ku dagaalamay Deegaanka Xanan-buure
Next articleRaisal Wasaare Rooble oo amar ku bixiyay Furista Wadada Dabka ee la xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here