Home Wararka Maanta Sarkaal iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Sarkaal iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay

0

Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay iney burburiyeen Fariisimo Al-shabaab ku lahayd deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada hoose.

Howgal qorshaysan oo ay sameeyeen Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee kumandooska Danab ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada miido oo 26-KM u jira Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

“Ciidamadu waxay halkaas ku dileen inta la xaqiijiyey ilaa 7 dhagar qabe oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Asad waxaana looga dhaawacay 5 kale” ayuu yiri Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed

Howlgalkan ayuu taliyuhu sheegay in laga soo furtay 4-qori oo ah nooca AK-47, 1-qori oo BKM ah wuxuuna xusay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Jubada Hoose.

 

Ad
Previous articleGalmudug oo Digniin Adag udirtay Puntland oo Faragalin Qaawan ku Haysa Maalmahaan
Next articleDagaal lagu riiqmay oo ciidanka Ruushka looga Dilay 1100 Askari oo Ka Dhacay Magaalada Bakhmut(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here